Shirweyne looga hadlayo saameynta fatahadda oo ka furmay magaalada Baydhabo

Shirweyne looga hadlayo fatahadaha iyo sameynta ay reebaan ayaa gordhow ka furmay magaalada Baydhabo,waxaana kaqayb galay shirkaas wasiir dowladha xafiiska Ra’iisul wasaaraha,madaxweynayaasha Koofur galbeed iyo Hirshabeelle,wasaaradda qorsheynta DFS iyo midowga yurub.
Shirkaan ayaa looga tashan doona sidii xal waara loogu heli lahaa fatahadaha ay sameyaan wabiyada dalka iyo dadkii ay sameyeen fatahadihii ugu dambeyay.