Shirka Wasiirada Warfaafinta DFS iyo Dowlad goboleedyada oo maanta lagu casuumay Bulshada rayidka+Sawirro

Muqdisho(SONNA):- Waxaa maalintii labaad galay shirka wadatashiga Wasiirrada warfaafinta federaalka iyo dowlad-goboleedyada ee shalay ka furmay Muqdisho.

Kulanka maanta waxaa lagu casuumay madaxda warbaahinta madaxa bannaan iyo  bulshada rayidka ah si looga wadatashado  habkii si wadajir ah looga qeyb qaadan lahaa wacyigelinta bulshada.

Ka qeyb galeyaasha shirka ayaa wasiirrada ka dhageystay warbixinno ku saabsan wacyigelinta qaranka iyo qorshayaasha dowladda, iyagoo la wadaagay talooyin iyo tusaalooyin ay u soo jeediyeen dowladda gaar ahaan wasaaradaha warfaafinta heer federaal iyo dowlad-goboleed.