Shirka Sanad-laha ah ee Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Uganda oo ka dhacay Caasimadda Kampala+Sawirro

Muqdisho.(SONNA):- Shirkani oo ah mid sanadkiiba mar ay isku arki doonaan guddoomiyeyaasha Ururada ardayda Soomaaliyeed ee jaamacadaha Uganda wax ka barata iyo wakiilka Midowga ardayda Qaranka ee Uganda ayaa waxaa shirgudoomiyay Guddoomiyaha wakiilka Ardayda Qaranka Soomaaliyeed ee dalka Uganda Mudane Cabdiqaadir Cumar Cabdulle Fiidka.

Madasha Shirka oo ay ku sugnaayeen guddoomiyayaasha ardayda jaamacadaha, iyo xubno kamida ardayda ayaa waxaa looga hadlayay qodobo dhowr ah, waxaana shirka daahfuray Wakiilka Midowga Ardayda Qaranka Soomaaliyeed ee dalka Uganda Cabdiqaadir Cumar Cabdulle Fiidka oo ka hadlay ahmiyada Ajandayaasha shirka sanadkaan, sidoo kalana wafuuda shirka ka qeyb gashay kaga mahadceliyay howlaha ay u hayaan ardayda Soomaaliyeed siina bogaadiyay.

Intaasi kadib ayaa waxaa shirka warbixino ku saabsan sanadkii tagay ee 2019 iyo qorshooyinka sanadkaan cusub looga dhageystay guddoomiyayaasha Ururada ardayda Soomaaliyeed ee jaamacadaha Uganda, waxaana sidoo kale shirka lagu gorafeeyay xalinta caqabadaha soo wajaha ardayda.

Qaar ka mid ah Gudoomiyaasha ayaa soo bandhigay waxqabadki sanadkii tagay iyo tirooyinka ardayda Soomaaliyeed ee jaamacadahoohoda dhigtay, waxa ayna sidoo kale soo bandhigeen qorshaha ay rajeynayaan in ay ku fuliyaan barnaamijkooda sanadlaha ah sanadkan 2020.

Shirka oo kusoo idlaayay jawi degan sanadkii ugu horeeyay ee uu qabsoomo, ayaa la rajeynayaa inuu noqdo mid sanad waliba hogaamada ardayda kaga arinsadaan aayaha ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalkani Uganda.