Shir looga hadlayey Qorsheyaasha dib u dejinta, maareynta Qoxootiga iyo barakacyaasha oo Muqdisho lagu qabtay “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)- Shirkaan oo muddo labo maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho ayna soo qaban qaqabiyeen Urur goboleedka IGAD ayaa looga hadlayaya arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin siddii Hay’adaha Dowladda Soomaaliya ay hormuud uga noqon lahaayeen qorshayasha dib u dejinta iyo maareynta Qoxootiga iyo barakacyaasha Soomaaliyeed.

Waxaa shirkaasi ka qeybgalay mas’uuliyiin ka kala socday Hay’adaha Dowladda Heer Federaal iyo Heer Dowlada Goboleed oo ay dhamaan quesyeso arrintani, waxaana lagu soo bandhigay intii shirkaasi uu socday xog rurrin dhinacyo badan leh,taasi oo ku aadan hambka ugu sahlan ee loo wajihi karo arrimaha Qoxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed.

Maxamed Axmed Cabdullaahi oo ah uqaabilsanaha Arrimaha warbaahinta Urur gobokleedka IGAD ayaa sharaxay ujeedka kulankaasi.

Maxamed Amiin Cabdullaahi Cusmaan Guddoomiyaah Hay’adda Qoxootiga iyo barakacayaasha Qaranka iyo Agaasimaaha guud wasaaradda Qorsheynta Koonfur Galbeed cabdiwahaab Cali ayaa dhankooda soo bandhigay qorshohooda kaga aadan arrinta qoxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed.

Daraasaad ay sameysay IGAD ayaa lagu ogaaday in qoxooti farabadan ay ku soo laabteen dalka,loona bahana yahay in loo helo qorshe ay ku helaan daryeel nololeeda.