Shir ku saabsanaa Sharciga howlgabka Shaqaalaha Rayidka oo lagu qabtay Muqdisho

Muqdisho(SONNA)--Shir ku saabsanaa Sharciga Howlgalka Shaqaalaha Rayidka Dowlada oo ay wada yeesheen Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Maaliyadda ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa Maanta waxa uu wada-tashi la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, kaasi oo ku saabsanaa Sharciga Howlgabka Shaqaalaha Rayidka Dowladda oo ay diyaarinayso Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Sharcigan oo hadda gabagabo maraya, ayaa wuxuu xaquuq siin doonaa Shaqaalaha Rayidka Dowladda ee Howlgabka noqda, iyadoo Dowladda Soomaaliya ay dadaal galisay xaquuqda joogtada ah ee Shaqaalaha Dowladda, islamaraana hadda ay diiradda saaraysa, si dhaqso ah in Shaqaalaha Howlgabka ah  ay xaquuq heli doonaan.