Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo qabtay howsha Isxilqaan.

Muqdisho(SONNA)--Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Xoog iyo Xeeladba maanta kaga qayb Galay Ololaha dib u dhiska Dalka ee Isxilqaan.

Ololaha isxilqaan oo ku jira meertadiisii 12-aad oo ay ka qeybgalayaan dhammaan masuuliyiinta iyo shaqaalaha rayidka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa xoog iyo xeeladba ku bixiyay ka qayb galka ololahan, Shaqaalaha iyo madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee XFS.

Dhismaha Golaha murtida iyo madad-daalada ama Tiyaatarka Qaranka oo muddooyinkan dambe awood xoog leh la geliyay sidii loo dhamaystiri lahaa ayaa maanta Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibaddu ay ka qabteen shaqo muuqata oo anfacaysa xarumaha danta guud.