Sawiro: Iibka Miraha dalkeena oo kordhay

Muqdisho(SONNA)-Waxa aan halkan idinkugu soo gudbinaynaa sawiro ka turjumaya qaar kamida miraha dalkeena oo cabitaan iyo cunisba loo adeegsanayo, qiimahiisana aad uga jaban, kana caafimaad badan kan warshadeysan ee dibbada laga keeno.

Sawir-qaadaha SONNA, C/casiis Maxamed Cumar ayaa soo sheegaya in Qaraha, Qajaarka, Muuska noocyadiisa kala duwan iyo Babaayga miro ay kamid yihiin uu xilligan aad u jaban yahay, waxa uuna sawiradan ka soo qaaday Suuqa degmada Xamar-Weyne ee gobalka Banaadir.