SANAD GUURADDII 59-AAD EE XORNIMADA IYO MIDEYNTA UMMADDA SOOMAALIYEED (Qeybta-2aad)

Qeybta 2-aad ayaa waxay ka bilaabananeysaa Bishii Oktoober 1949kii: Mudani Cabdullahi Ciisi Maxamud oo ahaa Xoghayihii guud ee SYL markii uu tagay United Nations wuxuu baaq u soo jeediyey dhamaan Ummmadda Soomaaliyeed meel kast oo joogaan baaqasi oo ku sabsanaa in shacabka Soomaaliyeed oo ay halgan xoog leh u galaan si looga hortago qorshaha talyaaniga SFORZ –BEVIN iyo Dawladda Ingariiska in Soomaaliya gacanta loo geliyo dawladda talyaaniga United Nation qorshahaasi way diiday, qorshahaasoo ujeeddooyinkiisa ugu waaweynaa u ahaa in talyaaniga ku andacoodday in gacanta loo geliyo Soomaaliya maadaama uu hanti fara badan ay u taalo isla markaasina si dhulka Soomaaliyeed uu u keeno ama u soo dejiyo dad talyaani ah si ay u noqoto Soomaaliya ay u noqoto habkii South Africa oo kale oo halkaasi ay ka dhashaan is dhex gal Ummadda Uoomaaliyeed iyo dad talyaaniga.

Allaha ha u naxriistee Cabdullahi Ciise wuxuu Ummadda Soomaaliyeed ku baraarujiyey in xooggooda ay isku geeyaan si qorshahaasi talyaaniga ee hagardaamadda badan lagu baajiyo oo looga hortago . Mar alla markii xisbiga ay soo gaareen baaqasi Cabdulllahi Ciise uu ka soo jeediyey New York , waxay 5-tii Oktoober 1949-kii laga abaabulay bananbax weyn oo ka dhacay Dhaxag tuur , halkaasi oo ay ka dhacday mashaqooyin oo dhimasho iyo dhaawacba isku jiray, kuwaasoo ay geesteen askartii gumeysiga Ingriiska.

1dii April 1950kii Taliyaniga wuxuu Ingriska kala wareegay Mamulki dalka Soomaliya inuu dalka garsiiyo 10 sanadood gudahood dawladdnimo taam ah

12kii Oktobar 1954kii Waxaa la gudoonsaday in Dalka loo sameeyo calan, kaasoo noociisa ah buluug oo dhexda kaga taal xiddig cad oo shan geesoo ah, taasoo macnaheeduna yahay shanta Soomaaliyeed.
1954-1958kii Waxaa la qabtay dorashooyinkii Golayaasha degaannada dalka oo dhan waxaa kaloo la abuuray golaha sharci dejinta.

29kii April 1956kii Waxaa la qabtay doorashooyinkii siiyasadda lagu na soo doortay dalka oo dhan. Golahaasi wuxuu ka koobnaa 70 kursi. 60 ka mid ah waxaa loo qeybiyey Xisbiyadii tartamaysay , SYL waxay heshay 43 kursi , Xisbiya na 13 kursi , 10 kursina waxaa loo qeybiyey ajaanibta dalka ku noolaa , (a) Talyaani 4 kursi (b) Carabta 4 kursi (c) Pakistan 1 kursi (d) Hindi 1 kursi , Xisbiga Dimoqaradiga 3 kursi iyo Xisbiga Midowga M 1 kursi . Golahaasi oo ahaa kii golaha shacabka ee la soo doortay waxaa Guddoomiye ka noqday Mudane Aadan Cabdulle Cismaan.

7dii Maajo 1956 SYL Waxaa loo xilsaaray inay soo magacawdo Ra’iisal Wasaare, Ra’iisal wasaarihii ugu horeyna waxaa loo soo magacaabay mudane Cabdullahi Ciise Maxamoud oo soo dhisay dawlad ka kooba Ra’iisal wasaare iyo 5 wasiir 1959 Cabdullaahi Ciis uu soo dhisay dawlad ka kooban Ra’iisal Wasaare iyo 10 wasiir.

12 April 1960kii Waxaa la dhisay Ciidan Xoogga dalka Soomaaliyeed oo uu hogaaminaayay Allaha ha u naxriistee General Daa’uud Cabdulle Xirsi, khudbadii ugu horreysay ee uu soo jeediyey Allaha ha u naxriistee wuxuu yiri, “ Maanta waxaa la aasaasay Ciidankii dalka daafici lahaa haddii cadaw ku soo gardarooda ama ku soo duulo.

1da Luuliyo 1960kii oo aheyd maalintii xornimada iyo isku darkii koonfur iyo waqooyi. Golahii barlamaanka na wuxuu ka koobnaa 123 xubnood, koonfur waxay lahayd 90 xubnood waqooyina 33 xubnood . Shirkii ugu horreyey ee barlamaanka uu qabto waxaa ka soo qeyb galay 115 xubnood inta kale na way ka maqnaayeen , shirkaasi na waxaa si buuxda lagu doortay madaxweynihii ugu horeyey uu dalka yeesho wuxuu ahaa , Allaha ha u naxriistee Mudane Aadan Cabdulle Cismaan, waxaana Ra’iisal Wasaare u noqday Allaha ha u naxriistee Mudane Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

[caption id="attachment_396660" align="alignnone" width="610"] Somalian Prime Minister Abdurashid Ali Shermarke (R), and Somalian President Aden Abdullah Osman Daar[/caption]

Sannadkii 1964kii Waxaa na dawladii labaad dib u soo dhisay Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xusein Bishii June 1967kii waxaa Madaxweyne loo doortay Muddane Cabdirashiid Cali Sharma’arke, oo soo magacaabay 15kii Luuliyo Ra’iisal Wasaare Allaha ha u naxriistee Mudane Ibraahim Cigaal oo soo dhisay dawladii seddexaad , balse nasiib darro waxaa noqotay in 15kii Oktoober 1969kii lagu dilay magaalada Laas caanood madaxweynihii dalka Mudane Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo booqasho ku maraayey Goboladda waqooyi , Dilkaasi ka dib 21kii Oktoobar 1969kii waxaa dalka qabsaday ciidanka {Golaha Sare ee Kacaanka Soomaaliyeed}oo uu hogaaminaayey Allaha ha u naxriistee Maxamed Siyaad Bare.

Sannadkii 1976kii waxaa lagu dhawaaqay Xisbiga Hantiwadaag Kacaanka Soomaaliyeed (Somali Revolutionary Socialist Party) muddo 21 sanadood ah ayaa dalka gacanta ku hayay xukun Military ah oo aaminsanaa mada’a hantiwadaaga cilmiga ku dhisan.

26kii Janaayo 1991kii oo ahayd maalintii ay burburtay dawladdii dhexe ee maamulkii Militariga oo u hogaaminaayey Jaalle Mahamed Siyaad Barre, ilaa iyo maanta weli waxaa la la’yahay dawlad awood badan oo dalka oo idil maamuli karta.

Markii ay dawladdii dhexe ay halkaasi ka baxay shacabka soomaaliyeed waxaa ku habsaday musiibo oo ilaa iyo manta ay weli ka soo kabsan la’yihiin,halkaa soo haybaddii iyo sharaftii ay adduun weynaha ku lahaan jireyna ay burburtay , waxaanu ilaahay ka baryeynaa inuu dib u soo celiyo sharaftii iyo haybaddii ay lahaayeen shacabka soomaaliyeed.

Midnimadu waa awood , kala tagu na waa burbur sidaasi darted kala qaybsanaato waxay farxad gelineysaa gumeysiga soo jireyka ah ee cadowga ummadda soomaaliyeed iyo kuwa u adeega gumeysiga. Burburka iyo kala taga maanta dalka ka jira waxay salka ay ku haysaa barnaamijkii gumeysiga oo ahaa qaybi oo xukun taasoo maanta dalka uu ku dhaqmo nidaamka 4.5 oo dulmi ku dhisan iyo nidaamka cusub oo ah Federal oo ah nidaam lagu burburinaayo midnimadda shacabka Soomaaliyeed, taa soo ka tarjumeysa riyaddii gumeysiga uu ka tagay markii dalka laga xoreeyey , waxaa nasiib daro ah in gacamaha dadweynaha Soomaaliyeed lagu fuliyey burburka iyo kala taga maanta dalka uu ku sugan.

waxaan ilaahay ka baryeenaa in ummadda soomaaliyeed dhibaadhatadda ku habsatay inuu ka dul qaado, dawladda maanta jirta oo hal heeskeeddu yahay Nabad iyo Noolal waxaan leenahay in ay xoogeedda ay isugu geyso sidii dalka looga samata bixin lahaa dhibaatadda dalka ka jirta, isla markaasi na looga guuleysan lahaa cadowga kuwa guddaha iyo kuwa dibadda ba waxaana maamulka dawladda ka fileynaa in ay nabaddii iyo kala dambeyntii ay dib u soo celiyaan, waxaana dawladda maanta jirta ka fileynaa in ay la dagaalamaan dulmiga iyo musuq maasuqa dalka naafeeyey, waxaana shacabka Soomaaliyeed la dardaarmayaa in ay dawladda gacan ku siiyaan sidii loo ciribtiri lahaa dulmiga iyo xatooyadda hantida dawladda, Shacabka Soomaaliyeed na waxaa looga baahan yahay in ay xil adag iska saaraan sidii dalka iyo dadka Soomaaliyeed loo babaadin lahaa halista ku soo fuud leh, isla markaasi na ay ka hor tagaan damac fog ee gumeysiga la damacsan yahay Shacabka Soomaaliyeed waxaa bahoon qof waliba inuu ogaadaa in uu xil ka saran yahay difaaca iyo badbaadinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed. “Soomaaliyeed toos.

Qore: Abdulkadir Ali Bolay
Email: [email protected]
Waxaana isku habeeyay C/laahi Ruush