Safiirka Turkiga oo Casha Sharaf u sameeyey Golaha Aqalka Sare “Sawirro”

Muqdisho(SONNA)Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdilaahi iyo xubna Senatora ah ayaa aqbalay casho sharaf uu u fidiyay Safiirka u fadhiyo Soomaaliya Dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga ambassador Mehmet Yelmaz.

Intii uu socday kulanka casha sharafta Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Dalka iyo shaqooyinka ugu horeeyo ee uu rabo safiir mehmet inuu xoogga saaro.

Gabagadii kulanka Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa kaga mahad celiyay safiirka casha sharafta iyo kulanka qiima badan, dhankale safiirka Dowlad Turkiga ayaa Mahad naq ka sakoow sheegay markastana Aqalka Sare uu u leeyahay Mudnaan Gooni ah.