Safiirka Soomaaliya ee South Sudan oo kulan la qaatay Madaxweyne ku xiggeenka wadankaasi.

Muqdisho (SONNA)_ Safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliya u fadhiya dalka Koofurta Sudan Ambassador Xuseen Xaaji Axmed ayaa magaaladda Jubba ee caasimadda dalkaasi kulan kulan kula qaatay madaxweyne ku xiggeenka wadanka Koofurta Sudan mudane Xuseen Cabdulbaqo,

Kulanka oo ka dhacay xafiiska madaxweyne ku xiggeenka ayaa labada masuul ay uga wada hadleen dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin xiriirka labada dowladood, ilaalinta ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaasi oo uu madaxweyne ku xigeenku balanqaaday in amnigooda iyo hantidoodaba ay ilaalineyso dowladdu, maadaama ay ka mid yihiin maalgashadayaasha dalka.