Roobabkii Xilliga Gu’ga oo ka curtay meelo ka mid ah Dalka

Muqdisho(SONNA)--Roobabkii Xilliga Gu'ga ayaa ka curtay deegaanno ka mid ah Gobolada Dalka, oo lagu diirsaday ayaa ka da'aya Magaalada Galkacyo iyo nawaaxigeeda tan iyo wixii ka danbeeyay 7:30 fiidnimo Xalay, sidoo kale waxaa meelo ka durugsan Magaalada laga maqlayaa Onkod aad u xoog badan sida uu soo sheegay Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Magaaladaasi, ma jiraan wax khasaare nafadeed iyo mid hantiyadeed oo uu geystay inta laga war hayo.

Deegaanada kale ee laga soo sheegay Roobabka waxaa ka mid ah Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.iyo nawaaxigeeda, kaasi oo uu ka da'ayay  wixii ka dambeeyay 9:00 fiidnimo ee Xalay, Wariyaha Gobolakaasi  ilaa hadda ma sheegin wax khasaare nafadeed iyo mid hantiyadeed oo ay geystay Roobkaasi.

Meelaha kale ee laga soo sheegay Roobka waxaa ka mid ah Degmada Caabudwaa ee Gobolka Galguduud, halkaasi oo uu ka da'ay Roob ay ku diirsadeen dadka iyo Duunyada.