Roob dabaylo wata oo da’ay Xaafuun oo sababay dhimasho iyo burbur hantiyeed

Boosaaso (SONNA)- Roob iyo dabaylo xooggan oo saacadihii la soo dhaafay ku dhuftay magaalada Xaafuun ee gobolka Bari ee Puntland ayaa sababay dhimasho iyo burbur hantiyeed oo soo gaaray ganacsigii iyo gaadiidkii kalluumaysiga magaalada.

2-nin oo Mayd ah ayaa hadda la keenay gudaha magaalada waxaana la sheegay in 2 nin oo kale xeebta maydkoodu uu yaalo, iyadoo aan hadda lasoo qaadi karin maydka labada nin ee xeebta lagu sheegay, jewiga oo weli adag awgiis. Afarta qof oo dhintay ayaa lagu sheegay Yamaniyiin.

Afar doonyood ayaa ku soo caariyey xeebta magaalada Xaafuun iyo laashash badan oo baddu soo tuurtay waxaan la sheegay 2 doonyood oo kale oo iyaguna ku burburay roobka meel u dhow Xaafuun.

Xaafuun waxaa kale oo ku dhaawacmay 3 qof oo dhaawacoodu sahlan yahay.

  • Waxaa weli warkooda la la’yahay doonyo badan, dad iyo weliba laashash.

Leave a Comment