Ra’iisulwasaare Kheyre iyo midowga Yurub oo ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane, Xasan Cali khayre ayaa Xafiiskiisa ku qaabbilay Safiirka midawga Yurub u qaabbilsan Soomaaliya, Nicolas Berlanga.

Kulanka ayaa looga hadlay qabsoomidda doorashada heer Qaran, dibu-u-habeynta amniga iyo dhammeystirka qorshaha deyn cafinta oo meel wanaagsan maraya.