Ra’iisulwasaaraha XFS oo Dalka dib ugu soo laabtay ka Dib Safar Shaqo uu ku tagay Qatar+Sawirro

Muqdiho.(SONNA):- Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo safar shaqo ugu maqnaa dalka Qatar ayaa galabta dib ugu soo laabtay dalka iyadoo ay wehliyaan wafdi uu hogaaminayay.

Ra’isulwasaare Xasan Cali Khayre waxaa garoonka Aadn Cade kusoo dhaweeyay Wasiirro, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya

Ra’iisulwasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khaye ayaa wafdi uu hogaaminyay ee uu ka mid yahay Guddoomiyaha Bankiga dhexe ayaa 26 bishii aynu soo dhaafnay safar shaqo ugu amba baxay dalka Qatar,hase ahaatee gelinki dambe ee maanta ayuu dalka dib ugu soo laabtay.