Ra’iisul wasaare Rooble oo la kulmay madaxda warbaahinta

Muqdisho.(SONNA)..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxda qeybaha Warbaahinta ee ka howlgala caasimadda iyo gobolada dalka.

Kulankaasi,waxaa R/wasaaruhu uu kaga waramay muhiimadda ay leeyihiin warbaahinta,gaar ahaan xilligan adage e uu dalku ku jiro u diyaargarowga doorashooyinka, isagoo ku boorriyey in ay xoojiyaan doorkooda ku aadan wacyiginta bulshada.

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, xukuumadda Soomaaliya, mudane Cismaan Abokor Dubbe, iyo ku xigeenkiisa C/raxmaan Yuusuf al-Caddaala ayaa sidoo kale ka  qeybgalay kulankaasi.

 

Leave a Comment