Ra’iisul Wasaare Rooble oo Hambalyo u diray Macallimiinta Soomaaliyeed

Muqdisho.(SONNA):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fadraalka Soomaalia Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa munaasabadda maalinta Macallinka Soomaaliyeed awgeed hambalyo u diray Macallimiinta Soomaaliyeed, isagoo urajeeyay in sanadkaan kiisa kale ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa yiri “Hambalyo ayaan u dirayaa macallimiinta Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan. Waxaan uga abaal haynaa barbaarinta wanaagsan. Macallimiintu waa furaha horumarka dalkeenna, waana kuwa soo saara jiilal ku hubeysan aqoon. Waxaa naga go’an   in ay helaan mudnaanta ay xaqa u leeyihiin”.

21-ka November sanad kasta maanta oo kale waxaa gayiga Soomaalida looga dabaal dagaa maalinta Macallinka Soomaaliyeed.

Leave a Comment