Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Muqdisho Uga Qayb Galay Xuska Maalinta Jamhuuriyadda Shiinaha

Muqdisho (SONNA)-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta Muqdisho uga qayb galay munaasabadda xuska 70 sano guurada kasoo wareegtay aasaaska Jamhuuriyadda Shiinaha.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa dowladda iyo dadka shiinaha ugu hambleeyay xuska maalinta aasaaska Jamhuuriyadda, iyo horumarka ay gaareen toddobaanka sano ee Jamhuuriyaddodo jirtay.

Dowladha Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa leh xariir xooggan, soo jireen ah oo qota dheer iyo iskaashi salka ku haya danaha labada dowladood iyo labada shacab.

October 1, 1949 ayaa Shiinuhu noqday jamhuuriyad, waxaana sannad kasta asbuuca ugu horreeya October shiinaha iyo safaaradaha caalamka uu ku leeyahay lagu qabtaa munaasabo lagu weynenayo.