Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Xafiiskiisa ku qaabbilay ku xigenka wakiilka Xogyaha guud ee QM+Sawirro

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane; Xasan Cali Khayre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay ku-xigeenka wakiilka xogyahaya guud ee Qaramada midoobay u qaabishan arrimaha Soomaaliya, ahna u qaabbilsanaha howlaha isku dubba ridka arrimaha gargaarka Dalka, Adam Abdelmoula.

Kulanka dhex maray Ra'iisul Wasaaraha iyo Adam Abdelmoul ayaa looga hadlay barnaamijyada dib-u-habeynta mashaariicda horumarineed ee Qaramada midoobay ay ka sameyso Soomaaliya iyo sidoo kale arrimaha gargaarka.

Ra'iisul Wasaare, Xasan Cali Khayre ayaa Qaramada Midoobay uga mahad celiyay taageeradeeda dedaallada dib-u-habeynta iyo fulinta mashaariicda horumarinta ee qeybta ka qaadanaya gaarista himillooyinka Ummadda Soomaaliyeed.