Ra’iisul-wasaaraha New Zealand waa hoggaamiye fariid ah. (Warbixin)

Munaasabad isugu jirtay duco iyo salaadda Jimce ayaa todobo maalmood kadib lagu qabtay wajhada hore ee Masaajidkii lagu laayey dad Muslimiin ah Magaalada Christchurch ee dalka New Zealand, waxaana Dadka munaasabadda ka soo qeyb-galay ka mid ah Raiisul-wasaaraha dalka New Zealand iyo madaxda dalkaasi qaarkood, iyadoo kulankaasi kadib loo dareeray aaska dadkii ku geeriyoodey toogashadii ka dhacdey 2 masaajid oo lagu weeraray Magaladaasi.

Dalka New Zealand ayaa laga baahiyay Idaacadaha iyo Telefishanada Dalkaasi codka Aadaanka Salaadda, waxaana guud ahaan waddanka laga aamusay muddo 2 daqiiqo ah, si loogu baroordiiqo dadka muslimiinta ahaa ee lagu laayaya weerarkaasi iyo kuwii ku dhaawacmay intaba, iyadoo arrintan oo lagu beegay salaaddii khudbada ee shalay ayaa waxaa qeyb ka ahayd xuska lagu asteynayay hal isbuuc oo ka soo wareegay markii weerar lagu qaaday masaajidyo ay dad ku tukanayeen jimcadii la soo dhaafay.

Ra'iisul wasaaraha dalkaas Jacinda Ardern ayaa ku biirtay kumannaan ruux oo ku baroordiiqayay meel u dhow masaajidka Al-Noor oo ka mid ah labadii Masjid ee dadka lagu laayay, Khudbad ay xilligaas ka hor jeedisay Ms Ardern ayey ku tiri: "New Zealand way idinla baroor diiqeysaa, kulligeen waxaan nahay mid", waxayna tusaale u soo qaadatay xadiis uu nabi Muxammad (csw) ku sheegay in dadka muslimiinta ah dhibka walaalahood soo gaara ay ka xanuunsadaan, ayna la mid yihiin sida qof ay jirkiisa meel ka mid ah xanuuneyso inta kale ee jirkiisa ka mid ahna ay dareemeyso.

Imaam lagu magacaabo Gamal Fouda, oo Salaaddii jimcada tujiyay dadka ayaa yiri: "Qalbiga ayaa naga jabay laakiin innaga oo dhan ma aynaan jabin", waxaa kaloo jirtay in dhammaan Dumarka Dalkaasi ay wada xirteen Xijaabka, iyagoo muujinaya inay Muslimiinta la qeybsanayaan Walaalahooda Muslimiinta ah.

Brenton Tarrant, oo u dhashay dalka Australia ayaa loo maxkamadeynayaa inuu falkaas geystay, waxaana la filayaa in dacwado kale lagu soo oogo, waxaana Hooyadii dhashay gacan ku dhiiglaha ay sheegtay inuu mudan yahay in dilo, maadaama uu dil badan geystay.

Dhinaca kale Shir looga hadlayo Islaam nacaybka ayaa shalay lagu soo gabagabeyay Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga, waxayna ugu baaqaday Waddamada ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC in kulan deg-deg ah oo ka dhicay Magaalada Istambuul ee Dalka Turkiga, kaasi oo looga hadlay falkii Argagixisanimo ee dhawaan ka dhacay Dalka , New Zealand iyo sidii laga yeeli lahaa Kooxaha Cunsuriyiinta ee Islaam naceybka “Islamophobia” loo yaqaan oo ku soo badanaya waddamada reer Galbeedka, ayaa waxaa qeyb ka ah madax ka kala socota Waddamada ku bahoobay Ururka OIC, waxaa kaloo lagu casuumay Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Ururka iskaashiga ammaanka ee Yurub OSCE iyo hay’ado Caalami ah.
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shirkaasi ka qeybgalay ayaa ku tilmaamay Ra’iisul wasaaraha New Zealand hoggaamiye fariid ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa muujiyay sida uu ugu qanacsan yahay falcelinta Xukuumadda New Zealand ee ay hoggaamiso Ra’iisul wasaare Jacinda Ardern ay ka sameysay weerarka argagaxiso ee ka dhanka ahaa muslimiin salaadda Jimcaha ku tukanayay laba masjid oo ku yaalla Magaalada Christchurch (15 Maarso).

Wasiir Cawad oo khudbad ka jeedinayay kulanka degdega ee Ururka Iskaashiga Islaamka heer Wasiirro Arrimo Dibadeed oo ku qabsoomay Magaalada Istanbul, Turkey, oo looga hadlayay weerarka argagaxiso ee bahalnimada leh ee islaam neceybka ee ka dhacay New Zealand ayaa yiri “Aniga oo ku hadlaya Magaca Madaxweynahayga, kan Ra’iisul wasaarahayga iyo kan Shacabka Soomaaliyeed, waxa aan tacsi u dirayaa qoysaska, bulshada muslimka ah, Shacabka iyo Xukuumadda New Zealand oo ku aaddan xasuuqii Christchurch ee dhacay 15 March 2019. Ka Soomaali ahaan waxaan la tiiraanyeysannahay dhammaan dhibanayaasha aan waxba galabsan, waxa aan ka naxsannahay xasuuqaasi murugada leh”.

Wasiirku waxa uu khudbaddiisa ku sheegay in Soomaali lagu dilay weerarkaasi argagaxa lahaa “toogashada ka dhacday Masjidka Al Nuur iyo xarunta islaamiga Linwood ee Magaalada Christchurch ee lagu dilay 50 ruux, laguna dhaawacay 50 muslimiin aan waxba galabsan oo da’doodu u dhexeysay 3 illaa iyo 79 sano-jir oo ka kala yimid wadamo kala duwan oo uu ku jiro dalkayga Soomaaliya. Weerarkaas nacaybka xambaarsanaa wuxuu gallaaftay nolosha 5 Soomaali New Zealanders ah oo uu ku jiray canug 3 sano-jir ah”.

Ra’iisul wasaaraha dalkaas, Jacinda Ardern ayaa sheegtay in dhammaan qoryaha kuwa milatariga oo kale iyo kuwa sida daran-dooriga u dhaca laga mamnuucay in ay gataan ama heystaan Daka Shacabka ah, Mamnuucistan oo ay rRa’iisul wasaare Ardern uga dhawaaqday magaalada Wellington, ayaa waxaa sidoo kale ku jira qasnadaha rasaasta badan qaada ee lagu kaydin karo laba wareeg oo rasaas ah, iyo aaladaha qoryaha caadiga u roga kuwa daran-dooriga u dhaca, waxay Ardern sidoo kale ku dhowaaqday qorshe dib u iibsasho oo ballaaran, si loogu dhiiri-geliyo dadka haysta hubka inay ku soo wareejiyaan dowladda.

Haddaba Raiisul-wasaaraha dalka New Zealand Jacinta Andern waa hoggaamiye dhab oo u baahan inay dadkeeda iyo Dalkeedaba ka badbaadiso kal-kal dhinaca Ammaanka ah oo ka imanaya Isir nacebka ama Islaam naceybka, waxaana lagu tilmaami karaa inay tahay Hoggaamiye fariid ah.

W.D. C/laahi