Ra’iisal-Wasaare Khayre oo Kulan La qaatay Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka

Dooxa-Axad-December/15/2019- (SONNA)- Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya  mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dooxa kula kulmay xoghayaha maaliyadda dowladda Mareykanka, Steven Mnuchin, oo ka mid ah madaxda ka qayb galaysa madasha 19-aad ee Dooxa.

Kulanka dhex maray Ra'iisul Wasaaraha iyo Steven Mnuchin ayaa looga hadlay dardar gelinta barnaamijka deyn cafinta ee gebagebada maraya iyo dowrka dowladda Mareykanka ee ka mira dhalinta dadaallada socda.

Dowladda Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha saaxiibka dhaw la ah Soomaaliya kana caawiya dib-u-dhiska hey'adaha dowladeed.

Kulanka ayaa qayb ka ah kulamada uu Ra'iisul wasaaruhu la yeelanayo qaar kamid ah madaxda ka qayb geleysa madasha Dooxa.

Mudane Xasan Cali Khayre oo shalay ka qayb galay furitaanka Madasha Dooxa ayaa maanta khudbad ka jeedinaya madasha oo sannadkaan looga hadlayo ajandayaal muhiim ah.