R/wasaare ku-xigeenka dalka oo xarigga kajaray xarunta wasaaradda Qorsheynta XFS oo dib loo dhisay+Sawirro


Muqdisho(SONNA) Mashaariic dib u dhis ah oo laga hirgeliyay wasaaradda qorsheynta Soomaaliya ayaa qeyb ka ah mashaariic horumarineed oo dowladda Qatar ay ka fulisay dalka.

Munaasabad xariga looga jarayay furitaanka dhismaha cusub ee Wasaaradda Qorsheynta,Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka qeybgalay r/wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed(Qatar),wasiirka wasaaradaasu Jamaal Maxamed Xasan, Danjiraha dowladda Qatar ee Soomaaliya Xasan Bin Xamza iyo mas'uuliyiinta Hay'adda Qatar Charity ee Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda Qorsheynta Hamaal Macamed Xasan ayaa ku amaanay dowladda Qatar dowrkeedi ku aadan hirgelinta mashruucan oo lagu dhisay zarunta wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya.

Danjiraha Dowladda Qatar ee Soomaaliya Xasan Bin Xamza ayaa muujiyay sida dowladda Qatar ay uga go'tahay xoojinta mashaariicda horumarineed oo ay ka fulinayaan Soomaaliya,kuwaasi oo ay qeyb ka yihiin adeegyada ay u baahan yihiin bulshada iyo dhismaha xarumaha danta guud

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Qatar) ra'iisul wasaare kuxigeenka dalka oo si rasmi ah xarigga uga jaray furitaanka dhismahan cusub ayaa ammaanay dadaalada ku aadan dib u dhiska dalka,isagoo bogaadiyay kaalinta dowladda Qatar ay ka qaadanayso taageerada Soomaaliya.