R/wasaaraha Talyaaniga oo Telefoonka ugu soo hambalyeeyey Madaxweynaha JFS 60-guurada xoriyadda

Muqdisho (SONNA) Ra’iisul Wasaaraha Wadanka Talyaaniga Mudane Giuseppe Conte oo xiriir dhanka telefoonka ah lasoo sameeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay sanad guurada 60aad ee 1-da Luuliyo.

Sidoo kale, Raiisul wasaare Giuseppe Conte wuxuu salaan uga siday Madaxweynaha dalkaas Talyaaniga Mudane Sergio Mattarella,Mas'uuliyiinta ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitterka madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyay madaxdaasi sida ay xiriirka ula soo sameeyeen,islamarkaana ay la qeybsadeen hambalyada xuska todoobaadka xorriyadda Soomaaliya.

Marka laga soo tago dalka Talyaaniga waxaa jira wadamo badan oo caalamka kamid ah,kuwaasi oo u soo hambalyeeyey Soomaaliya oo u dabaaldegtay sanadguuradeedii 60-aad ee xoriyadda.

Midowga Afrika,Carabta,sida Sucuudiga, Qatar, Baxreyn,Turkiga,Shiinaha,Mareykanka iyo wadamo badan oo caalamka ah ayaa Soomaaliya ugu soo hambaleeyey sanadguuradeedi 60-aad oo shalay la soo geba gebeeyay.