R/wasaare Kheyre oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde)

Muqdisho.(SONNA)...R/wasaaraha Xukuumadda Fedeaalka ee Soomaaliya Mudaned Xasan Cali Kheyre ayaa manta dhambaal tacsi ah u diray qoyskii iyo asaxaabtii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Ra’isul Wasaarahii Hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cade oo ku geeriyooday Dalka UK, .
R/wasaaruhu,waxa uu ka waramay doorkii shariifka ahaa ee uu ka soo qaatay dhismaha dowladda iyo horumarada kale ee uu ku lahaa hey-adaha bixiya adeegyada bulshada.

R/wasaaraha Xukuumadda Fedeaalka ee Soomaaliya Mudaned Xasan Cali Kheyre,, , wuxuu marxuum Nuur Cadde Alle uga baryay  in uu ka waraabiyo Janatul Fardawsa ,isagoo qoyskii iyo asaxaabtii uu ka baxayna  u rajeeyay samir iyo iimaan.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowlad goboleedka  Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo ku hadlaya Afka Golayaasha Dowladda iyo Shacbiga Hirshabelle ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Allaha Naxariistee Ra’isul Wasaarahii Hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cade oo ku geeriyooday Dalka UK, .