QM oo ammaanay isbedelada ka socda Soomaaliya (Warbixin)

Warbixin uu soo saaray golaha ammaanka oo looga hadlay xaaladda uu marayo dalka Soomaaliya ayaa lagu muujyay guulalaha laga gaaray dadaallada dowladda federaalka Soomaaliya ay gelisay kor u qaadidda dakhliga gudaha si ay u gaarto isku filnaansho dhaqaale.

Warbixnta ayaa lagu caddeeyay in dakhliga gudaha Dalka Soomaaliya laga soo aruuriyay intii u dhexeysay January iyo November 2018-kii uu ka badnaa sannadkii ka horreeyay uuna gaaray $161 million. Sannadkii 2017- kii ayaa warbixinta lagu sheegay in dakhliga guduhu uu ahaa $142.6 million.

Qoraalkaan Golaha Ammaanka ka soo baxay ayaa lagu sheegay in dakhligaasi badan ee gudaha ka soo xarooday uu ahaa natiijada ka soo baxday dadaaal ballaaran oo joogta ah oo la geliyay aas- aaska Canshuur qaadisata, hagaajinta iyo awoodeynta hannaaka Canshuur aruurinta iyada oo bishii June 2018 -kii la sameeyay xafiis cusub oo Canshuuraha u gaar ah.

Golaha Ammaanka waxa uu u riyaaqay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay dhameystirka Barnaamijka Deyn Cafinta, sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Warbixin Golaha Ammaanku uu ka soo saaray arrimaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in barnaamijka deyn cafinta dalka wajigiisa sedaxaad (SMP3), barnaamijka socda ee xoojinta awoodda dadaallada lagu hagaajinayo dakhliga gudaha ka soo xarooda iyo hannaanka lagu wada qancay ee dowladdu u dhaqan galisay dhammaan shuduudihii ku xirnaa dib-u-habaynta dhaqaalaha ay muujiyeen sida DFS ay uga go’antahay ka guul gaaridda barnaamijka deyn Cafinta dalka.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in barnaamijka SMP3 uu watay hadafyo waaweyn oo ay ka mid ahaayeen in si dhaqsa ah loo dhaqan geliyo isbedelka qaab dhismeedaka Bangiga dhexe ee dalka, dadaallada la dagaalanka Musuqa iyo isla xisaabtanka oo ay qeyb ka yihiin sameynta shariciyada muhiimka u ah ka gun gaaridda hadafyadaas waaweyn.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in intii lagu guda jiray doodda heerkeedu sarreeyo ee lagu qabtay Washington D.C, in dhinacyada deymaha ku leh Soomaaliya iyo deeq bixiyayaashuba ay xaqiiqsadeen in horumar weyn la gaaray, dib-u-qaabeynta hey’adaha dhaqaalaha, arrintaasi oo dalka soo gaarsiisay heerka go’aannada looga gaaro Wadamada faqriga ah ee sida xad dhaafka ah u deymeysan (HIPC).

Warbixnta Golaha Amaanka ayaa lagu sheegay in dhammaan dhinacyada muhiimka ah ee deymaha ku leh Soomaaliya ay ka hadleen dareenkooda ku aadan taageerada qorshaha deynta looga cafinayo Soomaaliya, maadaama ay ku qanceen sida ay uga soo baxeen shuruudihii laga doonayay in ay ka soo gudbaan.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in magacaabistii Guddoomiyaha Bangiga dhexe ay ahayd tillaabo wanaagsan oo muujinaysa in Soomaaliya ay xaqiijisay hadafyada dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka.

Ugu dambeyntii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa maalinimadii shalay warbixin uu siiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku sheegay in isbedelada ka socda dalka Soomaalia ay muujinayaan guulo wax ku ool ah ,hasa yeeshee loo baahan yahay in laga hortago waxyaabaha khatarta galinaya horumarkaasi.

“Soomaaliya waxay ku tallaabsatay horumar ku aadan dhismaha dalka iyo hey’adihii dowladnimo oo shaqeynaya,laakiin waxaa haboon in laga howlgalo sidii loo ciribtiri lahaa kooxaha Argagixisada islamarkaana loo soo afjari lahaa, waxaa sidaas yiri “Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres,ayaa xusay in lixdii bilood ee la soo dhaafay ay jireen rabshado kooban oo ay ka dambeeyaan kooxaha caadeystay daadinta dhiiga dadka rayidka ah, wuxuuna soo jeediyay in loo midoobo ka hortagga iyo waliba ka takhalusidooda kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Dhowr iyo labaatankii sano ee u dambeeyay Soomaaliya waxaa ka jiray dagaallo sokeeye,kooxo Argagixiso ah iyo macluul aad u daran ka dib,waxaa muuqda dib u dhis iyo hey’ado dowladnimo oo shaqeynaya laga soo bilaabo sanadkii 2012-kii.

Isku soo Ururinta waa C/laahi Ruush