Qaramada Midoobay: Coronavirus waa qatartii ugu cusleyd ee Dunida soo martay tan iyo Dagaalkii labaad ee Adduunka”

New York-(SONNA)-Xog-hayaha Guud Ee Qaramadda Middoobay, António Guterres, ayaa sheegay in Cudurka Coronavirus uu yahay qatartii ugu weyneyd ee Dunida soo foodsaarto kadib dagaalkii Kabbaad ee Adduunka.

Hadalka Qaramadda Midoobay ayaa imanaya xilli tirade Dadka u dhintay Covid-19 ee gudaha  Mareykanka ay ka badan tahay Dalka Shiinaha, halkaas oo ah meeshii ugu horreysay ee uu ka dilaacay Cudurka safreenka Ah ee Corona virus.

Tiradda guud ee Dadka uu soo ritay cudurka Covid-19 ayaa haatan maraysa 861,295 oo Qof, halka dhimashaduna ay kor u dhaafayso 40,387.