Qalab casri ah oo lagu baaro COVID-19 oo Mqudisho la keenay

Muqdisho:(SONNA)-Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay in la howlgeliyey sheybaarka dhexe ee Qaranka oo lagu baarayo dadka looga shakiyo iney qaadeen cudurka Coronovirus.

Wasiirka Wasaaradda caafimaadka XFS Marwo Fowsiya Abiikar Nuur oo la hadashay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee (SONNA) ayaa shaacisey in hadda wixiii ka dambeeya dadka  lagu tuhmo  in ay qabaa Cudurka coronavirus lagu baari doono Magaalada Muqdisho oo aan loo diri doonin dalka dibediisa.