Qaar kamid ah Shaqaallaha Hay’adda Duulista Hawada oo Tababar loo soo xiray “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)- Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada XFS Mudane Axamed Cabdullaahi Salaad Oomar ayaa maanta Tababar u soo xeray qaar ka mid ah Shaqaalaha Hay’adda Duulista Hawada, kaasi oo ku saabsanaa sida loola dhaqmo waxyaabaha qatarta ah ee rakaabyada ka baxaya garoonka diyaaradaha aadan cadde.

Maareeyaha guud ee Hay’adda  Duulista Soomaaliya MudaneAxmed Macalin Xasan ayaa sheegay in uu qorshaha uu yahay in kor loo qaado aqoonta shaqaallaha.

“Waxaan ugu talo galnay tababaradaan in sare ugu qaadno aqoonta shaqaallaha, taasina waa wadada Dawladdu ay u qorsheysay in Maamulka hawada Dalka uu noqdo mid la jaan qaada hay’addaha kale e dunida” ayuu yiri Mudane Axmed Macalin Xasan.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada XFS Mudane Axamed Cabdullaahi Salaad Oomar ayaa ku dhiiri geliyay shaqaallaha inay ka faa’iideystaan tababarkaan muhiimka ah, islamarkaana loo baahan yahay wixii ay barteen in ay ku shaqeeyaan, si shaqada loo haggaajiyo.

 “Hay’ad ku xeel dheer ayaa la idin keenay, kaasi oo ka turjumaya doorka wasaaraddu ay ku doneyso in kor loo qaado xirfada Shaqaalaha, intaas ka dib waxaa la idin karabaa waxii aad barateen in siddii loogu talagalay aad ugu shaqeysaan dalka” Ayuu yiri wasiir oomaar

Gabogabada ayaa shahaadooyin waxaa la gudoonsiiyay shaqaalihii tababarka qaatay, waxaa wasaaradu sheegtay in tababaro kale oo dheeraad ah la siin doono shaqaallaha, loogana baahanyahay in siddii loogu talagalay ay u gutaan waajibaadyada loo igmaday.