Puntland:Roobab mahiigaan ah oo sababay dhimasho iyo khasaarooyin kale

Roobab mahiigaan ah oo ka da’ay deegaanka duu-hooyo ee hoostaga Magaalada Raka Raaxo ee Gobolka Bari,ayaa sababay dhimasho iyo khasaarooyin kale oo burbur hanti ah.

Gudoomiyaha deegaanka Rako raaxo  C/risaaq C/raxman Saalax,ayaa sheeegay in roobab mahiigaan ah oo ka da’ay halkaasi ay sababeen daadad ay ku dhimatay haweeneey da'ah, islamarkaana uu bur bur soo gaaray sodon iyo shan guri.

Guddoomiyaha ayaa xusay in loo baahan yahay dadaallo ballaaran oo wax loogu qabto dadkii ku barakacay daadadkaasi ku soo rogmaday halkaasi,wuxuuna ugu baaqay bushada Soomalaiyeed, Dowladda Putlan iyo Dowladda federaalka Soomalaiya in ay u soo gurmadaan bulshada

Wasaaradda Deegaanka  Beeraha iyo Isbedelada Cimilada dowlad Goboleedka Puntland ayaa horay u soo saaray digniin la xiriirtay roobab dabeylo wata oo ku wajahan deegaano ka tirsan Punt land