Nuxurka khudbadii madaxweynaha JFS uu ka horjeediyay Golaha Shacabka Soomaaliya

Muqdisho- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbad ka horjeediyay golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ka dib kulan gaar ah oo ay yeesheen, isagoo ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee iminka dalka uu marayo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankaasi gaarka ahaa ee uu la yeeshey Golaha Shacabka kaga hadlay arrimaha siyaasadda Soomaaliya iyo dadaallada ay wado dowoladda Soomaaliya, gaar ahaan shirkii Dhuusamareeb dardar-gelintiisa, kaasi oo u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada oo wejigiisa labaad.

"Maanta oo ah 15-August 2020 waxaa lagu balansan yahay in la isugu tago magaalada Dhuusamareeb, waxaana halkasi ka qabsoomi doona shirkii dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada, waxaan idin cadeynayaa in Golaha Shacabka uu wakiil u yahay shacabka Soomaaliyeed iyo dowlad goboleedyada, go'aanka aad gaartaan waa in dalka oo dhan laga aqbalo, waxaana idin balan qaadayaa in wixii ka soo baxa shirka Dhuusamareeb aan halkna idinku keeno". ayuu yiri Madaxweynaha JFS.

Madaxweynaha ayaa  Baarlamaanka ugu mahadceliayay shaqooyinka ay Qaranka u qabteen, wuxuuna sheegay in isagoo ka duulaya hadalki uu dhawaan ka sheegay shirkii Dhuusamareeb ee ahaa in wax walba ee lagu heshiiyo uu dib ugu celin doono golaha shacabka uu ku taaganyahay, isagoo carrabka ku adkeeyay in heshiis kasta oo uu la gaaro Madaxda dowlad goboleedyada uu dib ugu soo celin doono golaha si ay kaalintooda dastuuriga ah uga qaataan.

"Golaha Shacabka waa hay'adda ugu sareysay ee matalaadda shacabka Soomaaliyeed oo 16 Mliyen ah,go'amada aan gaartaana waxaad u gaarteen rabitaanka dadka aad matashaan,warmurtiyeedkii Dhuusamareeb wuxuu ahaa in doorasho waqtigeeda dhacda la qabto,guddina loo saaro qaabka loo dhaqangelinayo,iyadoo DFS,dowlada goboleedyada iyo gobolka Banaadir,wada hadalka wuxuu hagaajinayaa midnimada wadajirka,dimoqraadiyadda iyo in talo wdaag aan ku hagno siyaasadda dalka,qof shaqsi ahna uusan wax jiidan,aana isku qancino aana isku tanaasulno,sidaasi darteed XFS iyo dowlad goboleedyada waa in ay wada tashadaan". ayuu yiri madaxweynaha JFS.

Kulanka ayaa ahaa kulan gaar ah oo uu dalbaday madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si uu ula socodsiiyo halka ay marayaan xaaladaha siyaasadeed ee dalka iyo dowlad dhisidda,isagoo soo hadal qaaday shirarkii hore oo ka dhacay gudaha iyo dibadda dalka sida Baydhabo iyo kii ka dhacay Brussless.