Munaasabad uu xilka kula wareegayo taliyaha cusub ee ciidanka Asluubta oo Muqdisho ka socota+sawirro

Muqdisho(SONNA) Xaflad ay xilka ku kala wareegayaan Taliyaha cusub ee ciidanka Asluubta Somaaliyeed Jeneraal Mahad C/raxmaan Aadan iyo taliyihii hore Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe),ayaa haatan ka socota magaalada Muqdisho.

Waxaa ka qeybgalaya munaasabaddan xil wareejinta Wasiirka Caddaaladda(Abukaate) Xasan Xuseen Xaaaji,Wasiirka Dhallinyarada iyo ciyaaraha Soomaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye,Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr.Axmed Cali Daahir,Madaxda maxkamadaha dalka iyo marti sharaf kale.

Warkan oo faah faahsan goor dhow kala socda Wakaaladda(SONNA)