Midawga Culimada Islaamka oo cambaareeyey xiriirka Baxrayn iyo Israel

Doha (SONNA)- Midowga Caalamiga ah ee Culimada Muslimiinta ayaa si rasmi u muujiyay dareenkiisa ku aaddan heshiiska Dowladda Baxrayn ay la gashay Israel, kaas oo ay ku tilmaameen inuu yahay khiyaano qaran oo laga gelayo shacabka Falastiin iyo umadda islaamka ah.

Xoghayaha Guud ee Midowga Culimada Islaamka Ali Al-Qardagi ayaa sheegay in kulankii ugu danbeeyey ee midowga uu kasoo baxay bayaan ay kaga hadlayaan heshiiskaas iyo sida ay u arkaan, isagoo tilmaamay heshiiskaasi uu yahay mid lagu deg degay maadaama Israel ay weli ku adkaysanayso inay sii haysato dhulka umadda islaamka ah ee Falastiin oo ay ku jirto magaalada Barakaysan ee Qudus.

Baxrayn ayaa noqortay dalkii 2-aad oo muddo 30-cisho gudahood ah shaaciya inuu xiriir toos ah la yeelanayo Israel, ka dib Imaaraat-ka Carabta, waxaana arrintan ay xiisad siyaasadeed ka abuurtay bariga dhexe.

Leave a Comment