Hindiya:Dadka Hinduska ah oo la siiyay goob diimeed ay isku hayeen muslimiinta

Maxkamadda Sare ee dalka Hindiya ayaa go’amisay in dadka Hinduska ah ay  lahaadaan gacan ku heynta maamulka goob diimeed ku taalla magaalada Ayodhiya oo ay isku hayeen muslimiinta Hindiya iyo kuwa Hinduuska ah ee caabuda asnaamta.

Muslimiinta waxaa la siin doonaa goob kale  oo bedkedu gaarayo shan hektar oo dhul ah ,isla markana ku taalla isla magaalada Ayodhiya ee gobolka Uttar Pradesh,

.Sannadkii 1992-dii kacdoonkii dadka Hindida ayaa burburiyey masjidka Babri ee ku yiillay magaalada Ayodhiya ,waxaana halkaasi ku dhimatay 2-kun oo qof  oo u badan muslimiin.

Muslimiinta waxay sheegeen in masjidka Babri  ay ku tukan jireen qarnigii 16-aad illaa sanadkii 1949-kii ,halka dadka hinduuska ah ay aaminsan yihiin in xilligii uu talada haayey Mughal  la burburiyay macbadkaasi,isla markaana laga dhisay masjid.

 

Leave a Comment