Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Xukun dil ah ku riday Dadkii dilay Axmed Dowlo

Muqdisho (SONNA) Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa Xukun dil ah ku ridday Xuseen Iidow Maxamed, Asli Axmed Cabdulle iyo Aweys Iidow Maxamed oo  dil degmada Yaaqahiid ugu geystay 20/09/2018 Axmed Mukhtaar Saalax ( Dowlo).

Sidoo kale maxkamadda ayaa sii deysay afar qof oo kale oo iyaguna ku eedeysnaa Falka dilka ah.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir Muuse Macallin Maxamed ayaa sheegay in xukunka uu racfaan ka furan  yahay.