Maxay Ka Dhigantahay Qorshaha Dayn Cafinta Soomaaliya?

Muqdisho(SONNA)-Warbixin ay soo saartay Hey’adda Lacagta Adduunka 25-kii bisha Maarso  ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay gaartay calaamadda loo yaqaano “go’aan qaadasho” ee amaahda looga cafiyo wadamada la dhibaateysan deymaha, taas oo ka dhigan iney Soomaaliya noqoto wadddanka 37-aad ee marxaladdaan soo gaarta.

Madaxda dowladda oo ay ugu horeeyaan madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guushaan weyn ee usoo hoyatay qaranka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo  ayaa sheegay in dowladdu sii laba jibbaari doonto  dadaallada horumarinta dhaqaalaha dalka si  Soomaaliya  ay xubin uga noqoto Hay'adda Dammaanad-Qaadka Maalgeshiga Caalamiga oo ah tallaabo kale oo xoojineysa in dalkeenna ay ku soo hirtaan maalgashadeyaasha caalamiga iyagoo aan welwel ka qabin masiirka hantida ay ku maalgashanayaan dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa xusay in guushaan ku timid wada shaqeynta hay’adaha dowladda iyo  deganaashaha siyaasadeed ee dala ka jirtay  3-dii sano ee lasoo dhaafay.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa isna sheegay in guusha maanta laga gaaray deyn cafinta  ay ku timid dadaal xooggan oo dowladdu ku bixisay dib u habeynta dhaqaalaha dalka ayna sii wadi doonto si ay u xaqiijiso horumar dhaqaale.

Dhanka kale, waxaa guushaan soo dhaweeyay beesha caalamka iyo wadamada si gaar ah Soomaaliya u caawiya.

Madaxweynaha Bangiga Adduunka ayaa soo dhaweeyay guusha Soomaaliya ka gaartay dayn cafinta.

Dowladda Qadar ayaa ugu hambalyeysay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed go'aankan iyo dadaallada ay sameeyeen si ay u gaaraan marxaladdan dayn bixinta ah.

Dowladda Qadar ayaa sheegtay in Soomaaliya ay gashay mar-xalad cusub, iyadoo ballan qaaday inay sii wadi doonto garab istaagga shacabka Soomaaliyeed ee hiigsanaya mustaqbal wanaagsan iyo barwaaqo.

Dhanka kale, safiirka Maraykan u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto oo lasoo xiriiray Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ugu hambalyeeyay guusha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed gaareen, isagoo sheegay in Maraykanku ku garab taagan yahay Dowladda Soomaaliya barnaamijka habaynta dhaqaalaha.

Sida uu sheegay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre guusha la gaaray qorshaha dayn cafinta  ayaa Soomaaliya ugu dhigan sida soo socota:

  • Soomaaliya waxey heli doontaa xuquuqda ay ku leedahay hay’adaha dhaqaalaha adduunka sida Bangiga Adduunka, Hay’adda Lacagta Adduunka, Bangiga Horumarinta Africa, Bangiga Islaamka iyo dhammaan hay’adaha horumarinta ee dowladaha dunida.
  • Guushaan waxey fursad fiican u fureysaa ganacsatada Soomaaliyeed gobol kasta oo ay joogaan.
  • Soomaaliya ayaa heli doonta dhaqaalo fiican, taas oo micnaheedu yahay in dalku helo dib u dhis iyo horumar dhinacyada adeega bulshada sida caafimaadka iyo waxbrashada.
  • Waxaa billaaban doonta in shacabka Soomaaliyeed helaan adeegyo waafi ah oo noloshooda wax ka beddela.
  • Dowladdda Soomaaliyeed waxey heleysaa in dunidu ku aaminto dhaqaalaha dalka soo galaya taas oo ah waji cusub oo Soomaaliya yeelaneyso hadda kadib.
  • Waxaa Bangiyada Soomaaliyeed u dhib yaraan doona la maacaamiilka Bangiyada caalamka.
  • In heerkaan laga gaaro barnaamijka dayn cafinta waxey caddeyneysaa in dadka Soomaliyeed kasoo bixi karaan shuruud kasta oo la hordhigo markey gacmaha is qabsadaan.
  • Dowladda Soomaaliya ayaa hadda kadib awood u yeelan doonta in ay toos ula macaamisho wadamada adduunka iyadoon u marin hay’ado kale.

W/D: Axmed Maxamed Axmed