Mareynkanka oo diyaarado loogu talagalay dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab ku wareejiyay Kenya

Muqdisho.(SONNA):- Taliyaha ciidanka Mareykanka ee AFRICOM Stephen Townsen ayaa sheegay in 6 Diyaaradood oo ah nuuca MD-530F iney ku Wareejiyeen Dowladda Kenya.

Janaraal Stephen Townsen ayaa sheegay Diyaaradaha lagu Wareejiyay Kenya iney uga qeyb qaadan doonto Dagaalka ka dhanka Ah Xarakada Al Shabaab.

Sido kale, Saraakiisha Ciidamada Kenya ee lagu Wareejiyay Diyaaradahaasi ayaa sheegay inuu wax badan iska badali doono Dagaalka ka dhanka ah waxa Argagaxisada Al Shabaab oo kordhiyay Weerarada ka dhanka ah Danaha USA ee Kenya.