Mareykanka oo faah fahiyay duqeymo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab

Muqdisho(SONNA) Howlgal ay si wada jir ah u qaadeeen ciidamada xooga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa waxaa ay ku dileen maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab,kadib markii ay weerar ku qaadeen deegaanak Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidamada militariga Mareykanka Qaaradda Afrika ee Africom ayaa lagu faah faahiyay howlgalkaasi duqeyn dhanka cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday saldhigyo ay ku sugnaayeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab.

Waxaa lagu sheegay qoraalkaasi in 2 ka tirsan maleeshiyaad Alshabaab lagu dilay,waxaana sidoo kale ay sheegeen in aanay jirin wax khasaare ah oo soon gaaray dadka rayidka ah.

Taliska Africom ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgaladaasi oo ay ku taagerayaan dowladda Soomaaliya,si loo soo afjaro dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Alshabaab