Maraykanka oo mar kale ka hadlay taageerada uu siiyo Soomaaliya

Muqdisho(SONNA)--Dawladda Maraykanka oo Mar kale Dawladda Soomaaliya Ka Taageeraysa Dhinaca Ciidamada Militariga.
Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inay dib u bilowday taageeradii dhinaca ciidamada oo ay siin jirtay Dawladda Soomaaliya si ay u sii xoojiso hawl galada ka dhanka ah xoogagga Al-shabaab.

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa afhayeen u hadlay oo la yirahdo Ryan uu soo saartay warbixin qoraal ah oo ay arrintaas kaga hadashay.

Warbixintaasi ayaa lagu sheegtay in arrintani ay timid, kadib markii ay korortay kalsoonida uu Maraykanku ku qabo dib u habeynta dhaqaalaha Soomaaliya.

Dawladda Maraykanku waxay warbixintaasi ku sheegtay in loo baahan yahay in dawladda Soomaaliya ay xoogga saarto dib u habeynta iyo tayaynta laamaha amniga Soomaaliya, si ay ciidamada Soomaaliya awood dheeraad ah ugu helaan adkeynta amniga Soomaaliya.

Leave a Comment