Maraykanka oo ka digay weerarro Argagixiso oo ka dhaca Nairobi

Nairobi-(SONNA)- Safaaradda Mareykanka ee Dalka Kenya ayaa Xalay soo saartay digniin ku aaddan suurtagal-nimada weerar Argagixiso oo ka dhaca Hoteellada waaweyn ee Magaalada Nairobi.

Qoraal kooban oo lagu daabacay barta Internetka ee  Safaaradda ayaa lagu sheegay in la rumeysan yahay in la bartilmaamedsado Hoteellada caanka ku ah dalxiisayaasha iyo Dadka safarka ah ee howlaha ganacsi ku jira.

Safaaradda ayaa Dadka Dalxiisayaasha iyo kuwa kale ee ku sugan Hoteellada Magaalada Nairobi kula talisay in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah.

"Haddii aad joogtid Hoteel la soco xaaladda, sii qorshee waqti hore sidii aad uga bixi lahayd Hoteelka haddii ay dhacdo xaalad deg-deg ah," ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Safaaradda Maraykanka ee Nairobi.

Warkan kasoo baxay Safaaradda Maraykanka ayaa sidoo kale looga codsaday muwaaddiinta Maraykanka in ay feejignaan muujiyaa, Ishana ku hayaan xaaladda goobaha laga yaabo in ay wax ka dhacaan, isla markaana ay la socdaan warbaahinta maxalliga ah.