Maleeshiyaad Alshabaab ka tirsan iyo horjooge soo goostay oo Gedo ku dagaalamay

Wararka ka imaanaya Gobalka Gedo ayaa sheegaya in dagaal culus uu ku dhexmaray dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab iyo Horjooge la sheegay inuu ka goostay Al-Shabaab kuwaas oo dadka shacabka ah dhibaato ku haya.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Buusaar iyo dagmada Ceelwaaq ee Gobalka Gedo haalkaas oo muddo saacado ah ku dagaalamayeen,iyadoo 2 argaggixiso ah ay ku geeriyootay dagaalka dhexmaray kooxdaasi.

Muddooyinkii dambe Al-shabaabka ugu badan ayaa waxaa ay isku dhiibayaan ciidamada Xoogga ee  ku sugan Gobalka Gedo iyo deegaano kale.