Madxwayne Farmaajo oo u ambabaxay Saldanadda Cummaan

Muqdisho-(SONNA)- Madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goordhow u amba baxay dalka Cummaan, si uu shaciga iyo Saldanada aan walaalaha nahay kala qayb galo tacsida geeridii Suldaan Qaabuus bin Saciid bin Taymuur.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hore ugu tacsiyeeyay bulshada iyo dowladda Cuman geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Allaha u naxariiskee Suldan Qaaboos Bin Saciid oo dalkaasi soo xukumayay muddo gaaraysa nus qarni.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in muddada uu joogo halkaasi uu ka qaybgalo baroordiiqda iyo tacsida loo sameeynayo Suldaanka geeriyooday.

Labada dowladod ee Soomaaliya iyo Cuman ayaa leh xiriir soo jireen ah oo ku dhisan taariikh walaalnimo iyo waxwada qabsi.