Madxwayne Waare oo magacaabay 4 xubnood oo Hir/Shabeelle ku matalaya gudiyada doorashada heer faderaal

Dowlad goboleedka HirShabelle ayaa noqotay maamulkii u dambeeyey ee ku dhowaaqa liiska xubnaha ku metalaya guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafaadka heer Federaal & heer dowlad goboleed ee dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo soo saaray wareegto ayaa ku magacaabay illaa afar xubnood oo HirShabelle ku metalaya doorashada soo socota ee 2020/2021-ka.

Cabdinaasir Maxamed Guuleed iyo Maxamed Maxamuud Caddow ayaa HirShabelle ku matalaya guddiga doorashooyinka ee heer federaal.

Sidoo lale Farxiyo Maxamed Guuleed iyo Liibaan Cusmaan Nuur ayuu Waare u xushay inay HirShabelle ku matalaan guddiga xalinta khillaafaadka ee heer federaal.