Madaxweynihii hore ee Puntland oo maanta galinkii danbe lagu aasay Garoowe

Muqdisho:(SONNA)-Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi,Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe,Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Dani masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland iyo saraakiil ka tirsan ciidanka ayaa ka qeyb galay aas Qaran oo magaalada Garoowe loogu sameeyay Allaha u naxariistee madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.

Masuuliyiintaan oo salaadda janaasada ku dukaday marxuumka ayaa Alle uga baryay inuu jannadii firdowsa ka waraabiyo, waxaana intaas kaddib lagu aasay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.