Madaxweyne Lafta gareen iyo James Swan oo ka wada hadlay arrimaha ammaanka+Sawirro

Baydhabo-(SONNA)-Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya ,James Swan iyo  ayaa Maanta gaaray Magaalada Baydhabo, halkaas si diirran loogu soo dhoweeyay.

Danjire; Swan, ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen, iyagoo ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo xoojinta amniga.