Madaxweyne ku-xiggeenka Galmudug oo Kormeeray xarunta loo diyaariyey guddiyada doorashooyinka “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)-Ku-simaha madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug ahna madaxwayne ku-xiggeenka Mudane Cali Daahir Ciid ayaa kormeeray xarunta loo diyaariyay inay dagaan Guddiga doorashooyinka.

Xaruntani ayaa ah mid loo diyaariyay inay degaan guddiyada doorashooyinka heer Qaran iyo dawlad gobaleed iyo sidoo kale guud ahaan hawl wadeenada doorashada.

Madaxwayne ku-xiggeenka Galmudug ayaa dhamaan kormeeray qeybaha ay ka kooban tahay xarunta, waxa uuna warbixin ka dhageystay masuuliyiinta gacanta ku haya, islamarkaana  la filayo inay dhawaan soo degaan guddiga doorashooyinka.

 

 

 

 

Leave a Comment