Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Agaasimaha Hab-maamuuska Madaxtooyada Qaranka

Muqdisho (SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Yuusuf Xasan Salan in uu noqdo Agaasimaha Hab-maamuuska Madaxtooyada Qaranka.

Mudane Yuusuf waxa uu hore u ahaa Agaasime ku Xigeenka Hab-maamuuska Madaxtooyada, taas oo dhaxalsiisay in uu kasbado khibrad shaqo oo xoog leh.

Leave a Comment