Madaxweynaha koonfur galbeed oo qaabilay wakiilka Q.midoobey ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa aqalka madaxtooyada magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay  kulan kula qaatay wafdi uu hogaaminayey wakiilka qaramada midoobey uqaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan .

Kulanka oo ay sidoo kale qeyb  ay ka ahaayeen  madax ka socday hay’addaha IOM iyo OCHA ,waxaa looga hadlay arrimaha gar-gaarka, saamaynta ayaxa uu ku hayo gobolka Baay ,iyo arrimaha doorashooyinka.

dWafdiga uu hoggaaminaayey ergeyga ayaa maanta gaaray Magaalada Beydho ee xarunta Dowlad Goboleedka K/Galbeed

Leave a Comment