Madaxweynayaasha Koofur Galbeed iyo Puntland oo ku kulmay Muqdisho

Muqdisho(SONNA) Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo howla shaqo u jooga Magaalada muqdisho ee Caasimada dalka ayaa hoyga uu ka degganyahay Muqdisho ku soo dhoweeyey Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Dani.

Masuuliyiinta ayaa qaatay kulan ku saabsanaa is xog wareysi iyo kala warqaadasho Arrimaha Siyaasadda dalka doorka labada dowlad goboleed ay ka qaadanayaan geedi socodka dowladnimada dalka,ka shaqeynta Amniga,hormarinta dhaqaalaha,la dagaallanka Argigixisada iyo horumarinta bulshada.

Kulanka ayaa sidoo kale labada Madaxweyne Siciid Cabdulaahi Dani iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed lafta gareen kaga hadleen Wanaajinta iyo iskaashiga xiriirka labada maamul Puntland iyo Koonfur galbeed iyo dadaalada lagu dardargelinta hannaanka dowladeed.

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta gareen  wuxuu uaga mahadceliyey Madaxweynaha Puntland siciid Abdulaahi Dani booqashada ugu yimid, kulanka ayaa sidoo kale waxaa qayb ka ahaa Taliyayaasha Ciidanka Asluubta Somaliyeed Sareeye guud Mahad Abdiraxmaan Aadan, Taliyaha ciidanka Booliska, siihayaha Wasaaradda Cadaalada iyo guddoomiyaha Golaha Wakiilada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Dr ali saciid fiqi.