Madaxweynaha JFS oo ka qaybgelaya haatan munaasabad lagu xusayo 1-da Luulyo”Sawirro”

Muqdisho (SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qaybgelaya munaasabad haatan ka socota Madaxtooyada Qaranka oo lagu xusayo Maalinta Xorriyadda Gobollada Koonfureed iyo Israacii Koonfur iyo Waqooyi.

Munaadabadda ayaa Waxaa xaadir ku ah sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka,Wasiirro ,Xildhibaanno, Saraakiil, Fanaaniin iyo Marti Sharaf kale. waxaana haatan biloowday Khudbadaha Munaasabadan ku aadan.