Madaxweynaha Galmudug oo la Kulmay Dhalinyadda Magaaladda Cadaado “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo ku sugan Magaalada Cadaado, ayaa xarunta Madaxtooyada kula kulmay dhallinyarada magaalada Cadaado.

Kulankaan ayaa looga arrinsaday doorka dhallinyarada kaga aadan wacyigalinta Bulshada iyo siddii loo xakameyn lahaa qatarta cudurka faafa ee #COVID19 oo fara ba,an ku haya magaalada Cadaado.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha ayaa dhalinyarada ku dhiiro galiyay inay kaalintooda ka ciyaaraan hanaanka dowlad wanaagga & dhismaha Galmudug.