Madaxweynaha Galmudug iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo gaaray Gaalkacyo+Sawirro

Gaalkacyo.(SONNA):- Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo wafdi balaaran oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa socdaal dhulka ah ku gaaray Gaalkacyo,iyagoo Soo maray maanta deegaanada Galinsoor,Bandiiradleey iyo Saddax hoglo,halkaas oo ay si weyn ugu soo dhaweeyeen Bulshada ku nool deegaanadaas.

Madaxweyne Qoor Qoor iyo wafdigiisa ayaa boqolaal dadweyne ah kula hadlay Garoonka kubadda Cagta ee  C/llaahi Ciise halkaas oo ay ku sugan yihiin boqalaal dadweyna ah iyo Mas'uuliyiin kale,wuxuuna Bulshada u sheegay ujeedka Gaalkacyo u yimid.

Waa safarkii ugu horeeyay oo uu madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ku gaaro magaalada Gaalkacyo tan iyo markii xilkan loo doortay.